Duulimaadkii ugu horreeyay ee sida shaqaale Afganistaan ah oo gaaray​​ Mareykanka:

Duulimaadkii ugu horreeyay ee ay la socdaan dad ka badan 221 ruux oo isugu jiray shaqaale turjubaanno ah,qoysaskooda iyo kuwo kale,isla markaana  ay ku jireen 72-caruur ah ayaa saaka oo jimco ah ka degtay garoonka diyaaradaha magalada Washington ee carigga Mareykanka,iyagoo ka ambabaxay dalka Afganistaan.

Ugu yaraan 750 reer Afgaanistaan ​​ah iyo qoysaskooda ayaa mar horeba la ansixiyay in la qaado,waxana dadkaasi oo u badan turjubaanno la sheegay in ay ahaayeen kuwao 20-kii sano ee u dambeeyay la shaqeynaayey ciidamada Mareykanka ee joogay Afganistaan.

Dad badan oo reer Afgaanistaan ​​ah oo la shaqeynayey ciidamada NATO ee Mareykanku hogaaminayo ayaa ka baqaya aargoosi kaga yimaada Taliban iyadoo ciidamada Mareykanka loo qorsheeyay inay baxaan dhamaadka bisha Agoosto.

“Mareykanku waxaa ka go’an inuu caawiyo kuwii na caawiyay waqtiyadii adkaa ee aan joognay Afghanistan ” ayuu yiri Blinken maalinimadii shalay ,xilli lagu jiray shir jaraa’id oo oo ay wadaqabteen dhigiisa Kuwait.