๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ka ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ขrar caalami oo ku saabsan arrimaha maaliyadda

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐Œ๐…: Shirka koowaad oo ay shir guddoominaysay Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ๐Š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐š ๐†๐ž๐จ๐ซ๐ ๐ข๐ž๐ฏ๐š ayaa waxaa khudbad kooban ka jeediyay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige isaga oo ku hadlayay afka dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay.

Hadal jiidinta Wasiirka Maaliyadda ayaa nuxurkeeda diiradda uu ku saaray sidii Dalalka Afrika ay u heli lahaayeen Maalgalin Horumarineed oo ku qotonta meelaha mudnaanta gaarka ah leh, ka sukoow u hadlidda dhammaan dalalka Afrika, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Soomaaliya u gaarka ah, isagoona IMF ku amaanay doorka muuqda ee ay ku leedahay dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka gaar ah ee Wasiirada Maaliyadda Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha Bangiga Adduunka ๐€๐ฃ๐š๐ฒ ๐๐š๐ง๐ ๐š iyo Xubnaha sare ee Bangiga Adduunka, shirkaas oo diiradda lagu saaray qorshayaasha horumarineed ee Bangigu uu ka fuliyo qaaradda Afrika iyo sidii loo balaarin lahaa maalgalinta Bangiga ee dalalka Afrika.

Waxaa kale oo la isla gartay Mashaariicda horumarineed ee ay bixiso hayโ€™adda hirumarinta caalamiga ah ee IDA-21 in ay noqdaan kuwo baaxad iyo miisaan leh si wax looga qabto dhibaatooyinka caalamiga ah sida sicir-bararka iyo saameynta isbaddalka cimilada.