Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska QM ee ka hor tagga dambiyadda Abaabulan

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dembiyada abaabulan ee isaga kala gudba Qaramada iyo baratakooladiisa,waxaana ogolaatay 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday saddax Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa sidoo kale Ansixiyey Hindise Sharciyeedka dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed,waxaana ogolaatay 140-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday laba Xildhibaanna waa ay ka aamustay.