Ciidanka deegaanka oo 10 khawaarij ah ku dilay Galgaduud

Dhuusamareeb- Ciidanka deegaanka ayaa ku dhawaad 10 ka tirsan Khawaarijta ku dilay deegaannada Bood iyo Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha deegaanka Cali Axmed , Axmed Cabdulle Aadan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan firxadka cadowga, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan ciribtirka khawaarijta.