Wasiir Fiqi oo qaabbilay wafdi ka kooban safiirro matalaya dalal Carbeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka kooban safiirro matalaya dalal dhowr ah oo aan walaalo nahay.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Mudane Fadhl Cali Axmed Al-Hanak, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen; Mudane Axmed Jumca Al-Rumaithi, Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta; Mudane Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nuaymi, Safiirka Dowladda Qatar; Mudane Axmed Maxamed Saalax Al-Mawliid, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Mudane Cammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan.

Diblomaasiyiintu waxay booqdeen Wasiirka si ay ugu gudbiyaan tacsi tiiraanyo leh kadib geeridii kutimid Hooyadiis Marxuumad Fatima Shirdoon Ducaale, hooyada Wasiirka oo ku geeriyootay Muqdisho Sabtidii, Oktoobar 19, 2024.

Booqashadooda ayaa muujisay midnimo xooggan iyo taageero aad u weyn xilligan murugada leh.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Danjirayaasha dareenkooda naxariista leh iyo ficilladooda sharafta leh wakhtigan adag.