Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan muhiim ah ku yeeshay Jibuuti

Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminaayo waxaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga walaalnimo ee labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku marayo qaar ka mid ah dalalka gobalka.