Hantidhowraha Guud oo ka qeyb galay Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur goboleedka (EAC}

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaele, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare ee Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC}. oo lagu qabtay magaalada Mwanza, Tanzania. Kulankan oo soconayay intii u dhaxaysay 15-18ka October, 2024, ayaa ujeedkiisu ahaa diyaarinta qorshe hufan oo loogu talagalay baarista qayb kamid ah hay’adaha EAC, iyada oo la xaqiijinayo in ay si buuxda u daboolaan hay’adaha mashaariicda Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} . .

Intii uu kulanku socday, waxa ay Hantidhowrrayaasha Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} si qoto dheer uga doodeen dejinta qorshaha baarista, yoolalka muhiimka ah, iyo kala soocidda mas’uuliyadaha, si loo hubiyo in dhammaan hawlaha muhiimka ah loo qabto sida ku cad qorshaha la isku afgartay. Kulanku waxa uu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la helo istiraatiijiyad mideysan oo ay iska kaashadaan hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya baarista Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} .

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu aaminsan yahay in wada-shaqaynta iyo isfahamka dhex mari doona hay’adaha kala duwan ay fududeyn doonto hirgelinta istiraatiijiyad hufan oo wax-ku-ool ah, taas oo ku salaysan isku xirnaan iyo wada-shaqayn dhow, si loo dhameystiro baarista sanadlaha ah ee mashaariicda Bulshada Bariga Afrika.