Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga Dalka iyo Sarakiil uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Xudur

Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga Dalka Generaal Xassan Baydhabo oo uu wehliyo Taliyaha guutada 9-aad G/le dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa manta waxay booqasho kutageen Xerada ciidanka Ururka 93-aad guutada 9-aad oo ku sugan Bariga Magaalada Xuddur.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka  Generaal Xassan Baydhabo ayaa ujeedka guud ee kormeerkiisa waxa uu ku saabsanaa dar-dargalinta howlagalada ka dhanka khawaarijta iyo dhiirigalinta ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Xudur ee xarunta Golka Bakool.

Taliyaha ayaa sarkiisha uu la kulmay kula dardaarmay in la xoojiyo howlgallada lagu baacsanayo firxadaka khawaarijta,si looga sifeeyo degaanada fara ku tirsaka ah ay ku dhuumaleysana argagixisada.