Howlgal lagu soo qabtay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Gobalka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyed Gaar ahaan  Guutada 8-aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka  ayaa Howlgal Qorshaysan oo ay kafuliyen Degaanno Dhaca Buuraleyda  Gobalka Baay waxay ku soo qabteen laba dhagar qabe oo ka tirsanaa khawaarijta oo halkaasi ku dhuumaalaysanayay .

Deegaanada Mooro Busto ,Ceel sharif iyo Degaanka Ceel Mareer Ee Gobalka Baay ayaa ah deegaanada sida gaarka ah ay geesiyaasha xoogga dalka soomaaliyeed ay hawlgalka sida gaarka ah uga fuliyeen waxaana maleeshiyaadka la soo qabtay hadda ku socdo baaritaan dheeraada ah .