Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lagu guuleysatay yareynta fakhriga iyo kororka Dhaqaalaha Dalka

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay yareynta faqriga iyo kororka Dhaqaalaha Dalka.

“Warbixintii ugu dambeesay hadda oo ay dowladda soo saartay, waxaa ku xusan in 15 boqolkiiba faqriga hoos loo dhigay, guul aad u wayn oo dowladda Soomaaliya iyo shacabka ay qeyb ka ahaayeen oo lagu farxay yay noqotay, qorshahan marka la suubinayay waxay aheyd 69 boqolkiiba hadana waa 54.4 boqolkiiba oo ah in 15 boqolkiiba hoos u dhacay” ayuu yiri wasiir Beenebeene.

Sidoo kale wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Soomaaliya dhaqaalaheeda koror wayn sameeyay, isagoo tilmaamay halbeegga lagu cabiro dhaqaalaha ee GPD uu hadda noqday 4.2 boqolkiiba, kaasoo uu sheegay in waqtitadii ugu dambeeyay uu ahaa 2.7 boqolkiiba.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda DanQaran ee uu hogaanka u haya Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre dadaallada ku aadan xaqiijinta qorshayaasha ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya.