Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyay naftii halige isku qarxiyay goob lagu harsado

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal ka soo saaray qarax galabta qof naftii halige ah oo ka tirsanaa Khawaarijta uu ka geystay goob dadka ku harsadaan oo ka soo horjeedda barxada Iskool Buluusiya, degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.

Sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliyeed 7 qof oo askar iyo shacab isugu jirta ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka 6 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ayaa goobta ka wado baaritaanno dheeraad ah.