Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin Cali (Soomaali) ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo lagu lafagurayo Teknoolojiyadda Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Ujeedka Bandhiggan sannadlaha ah ayaa ah in la dhiirrigeliyo, lana abaalmariyo shirkadaha Soomaaliyeed ee u taagan horumarinta ganacsiyada iyo dhaqaalaha Soomaaliya.