Guddoomiyaha SoDMA oo qaabbilay qaar ka mid ah madaxda hay’adaha samafalka ee Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay wafdi sare oo ka socday hay’adaha  dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo gurmadka deg-deg ah kuwaas oo kala ah AFAD, KIZILAY, TIKA, IHH iyo DIYANET .

Guddoomiyaha ayaa wafdigaan ku soo wareejiyay xafiisyada xarunta iyo qaar ka mid ah bakhaarrada lagu keydiyo raashinka, ka hor inta aan wafdiga loo galbin Xarunta Howl-gallada ee NEOC, halkaasoo uu ka dhacay kulan diiradda lagu saaray warbixinta guud ee Hay’adda, xoojinta ka jawaabidda xaaladda deg-degga ah, taageerada lama-huraanka ah iyo sare u qaadista tayada,iyo aqoonta howl-wadeennada SoDMA.