Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska iyo horumarinta lagu sameenaayo tuulada cayaaraha dalka ee Stadium Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo munaasabada ka hadlay ayaa yiri “Markii aan aragnay xiisaha iyo xamaasadda ay shacabku u qabaan ciyaaraha ayaan go’aansanay in aan dib u dhis ku sameyno qeybta dabaasha ee tuulada ciyaaraha Muqdisho.”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xildhibaan Maxamed Barre, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada iyo Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda dhagax-dhigga.