Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulamo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi Carabiya iyo Kuwait

Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador; Khadra Ducaale ayaa halkaas kulan kula qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya  Ambassador Abdulmohsen M.Binkhothaila.

Ambassador Khadra Ducaale iyo dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka hadlay adkeynta xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo ee labada dal, xaaladda gobolka iyo hannaanka ugu wanaagsan adkeynta xiriirka labada dal iyo in si dhow u wada shaqeeyaan labada xafiis.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa sidoo kale kulan la qaadatay Safiirka Kuwait ee dalka Switzerland Ambassador Nasser A. Al-Hayan iyagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dalalka Soomaaliya iyo Kuwait.