Cabsida laga qabo dagaal ku baaha Bariga Dhexe oo sii kordhaya

Saraakiisha Israa’iil ayaa ka dhawaajiyay in ay ka jawaabi doonaan weeraro gantaallo ah oo Iran ay la begsadeen bartilmaameedyo muhiim u ahaa militariga iyo kuwa ammaanka ee Israa’iil.

Israel ayaa sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaadi doonto Iran,Lubnaa iyo Gaza,kadib kolkii in ka badan laba boqol oo gantaal lagu weeraray xarumo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dalkaasi,gaar ahaan dhowr magaallo oo ay ku jirtay Tel-aviv.

Iran ayaa sheegtay in weeraradii gantaalada ee lala beegsaday Israel ay jawaab u ahaayeen weeraro lagu qaaday Gaza iyo Lubnaan iyo sidoo kale dilalkii ugu dambeeyay ee loo geystay hogaamiyayaasha Xamaas, Xisbullah iyo Ilaalada Kacaanka.

Dhinaca kale,Xisbullah ayaa sheegtay in meel u dhow magaalada Odaisseh ee koonfurta Lubnaan ay dagaallo kula galeen ciidanka Israel,iyagoo tilmaamay in ay khasaare u geysteen ciidankaasi,isla markaana ay ku qasbeen inay dib u gurtaan.

Waxaa sii kordhaya cabsi laga qabo in ay sii kordhaan dagaalada ka socda bariga dhexe ee u dhaxeeya Israel oo dhinac ah iyo xulufada Xamaas iyo Xisbulah ee ay taageerayso Iran.