Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa munaasabad sagootin iyo dardaaran ah Muqdisho ugu qabatay sharci-yaqaanno ka tirsan howl-wadeennada Wasaaradda oo waxbarasho sare ugu baxaya dalka Turkiga.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa qiray in sababta ay howlwadeennada ugu direen takhasuska sharciyeed ay tahay in heerka aqoonta sharciga ee dalkeenna sare loo qaado si dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogu difaaco qaanuunka hortiisa.
Howl-wadeennada ay wasaaraddu waxbarashada sare u dirtay oo munaasabadda sagootinta iyo dardaaranka uga mahad-celiyay wasiir Xasan Macallin ayaa ballan qaaday in ay huri doonaan dadaalkooda ugu sarreeya si aqoon iyo khibrad sare ay dalka ugu soo celiyaan.
Wasiirka ayaa kula dardaarmay sharci yaqaannada fursadda la siiyay in ay si wanaagsan wax usoo bartaan si ay naftooda, dadka iyo dalka Soomaaliyeed u anfacaan.