Ra’iisul wasaare Xamsa “ficillada Itoobiya qaadayso waa kuwo qalqal gelinaya nabadgalyada iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo khudbada ka jeediyay shir madaxeedka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Itoobiya ay halis ku tahay nabadgelyada iyo xasiloonida Geeska Afrika.

” ficillada Itoobiya qaadayso waa kuwo qalqal gelinaya nabadgalyada waxay na halis weyn ku yihiin Amniga iyo xasiloonida guud ahaan Geeska Afrika”

Ra’iisul wasaare xamse ayaa tilmaamay in Soomaaliya cadayneyso xaqa ay u leedahy Difaaca midnimadeeda dhulkeed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay cadaynaysaa xaqa ay u leedahay inay difaacdo midnimada dhulkeeda, Waxa ayna ugu baaqaysaa Itoobiya in ay joojiso daandaansiga ay waddo oo ay u hoggaansanto shuruucda Caalamka” ayuu yari Ra’iisul wasaare Xamsa

Ra’iisul wasare Xamsse Cabdi Barre ayaa intaa Beesha caalmaka ku booriyay inay garab istaagaan Soomaaliya, iyagoo cambaareynaya xadgudubyadaas iyo ilaalinta mabaadi’da qaranka gobanimada iyo wadajirka dhuleed, kuwaas oo ah tiirar u ah nabadda iyo amniga caalamka.

“Xasiloonida gobolku waxay ku xidhan tahay is ixtiraamka Mabaadi’daas, “Itoobiyana waa in lagula xisaabtamaa falalka khalkhal galinaya Xasiloonida Gobalka Geeska Afrika”, RW. Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaare xamse ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la iskula xisaabtamo ficiladda ku xadgudubka xuduudaha caalamiga ah ee Itoobiya ku kacayso.