Wasiirka Deegaanka oo ka qeyb gashay shir looga hadlayay Yoolka Cusub ee Miisaaniyadda Cimilada (NCQG).

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa ka qeybgashay Shirka Wasiirrada ee looga hadlayay Yoolka Cusub ee Miisaaniyadda Cimilada (NCQG). Shirka oo ka dhacay magaalada New York ayaa diiradda lagu saaray sidii loo kordhin lahaa maalgelinta cimilada ee dalalka u nugul, gaar ahaan Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu saameynta badan isbeddelka cimilada.

Wasiirada ayaa ku boorrisay in la sameeyo miisaaniyad ballaaran oo waafaqsan baahiyaha degdegga ah ee dalalka nugul, iyadoo mudnaanta la siinayo adkeysiga, la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo taageerada dadaallada dhimista khataraha ey sababaan isbeddelka cimilada.

Wasiiradda ayaa sidoo kale tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in taageerada dhaqaale lagu bixiyo deeqo aan dayn ahayn si looga hortago in dalalka dhibaateysan ay sii galaan deymo kale. Yoolkan cusub wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo in maalgelinta cimilada ay gaarto dalalka ay Soomaaliya kamid tahay, si loo xoojiyo dadaallada adkeysiga iyo la qabsiga mustaqbalka isbeddelka cimilada.