Wasiirka Deegaanka XFS oo ka qeyb gashay shir looga hadlay la qabsiga isbeddelka cimilada

New York: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa ka qeyb gashay shir heer sare ah oo ay soo qaban qaabisay Global Center for Adaptation.

Shirka ayaa looga hadlayay la qabsiga isbeddelka cimilada iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo saameynta isbeddelka cimilada.

Amb. Khadija ayaa sheegtay in Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada ay ku tiirsan tahay dadaallada heerka caalami ah.

Wasiirka ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya ay ku hawlan tahay ilaalinta noocyada kala duwan ee noolaha iyo soo celinta deegaanka si loo ilaaliyo hab-nololeedka iyo bay’ada.