Madaxda Caafimaadka XFS iyo Gobolka Banaadir oo casho sharaf u sameeyay dhaqaatiir Masaari ah

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay dhaqaatiir ka socday Dalka Masaari oo howlo caafimaad oo isugu jiray daaweyn iyo qaliimmo ka fuliyay isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaan casho sharafta ah oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka hadlay Ku simaha Wasiirka caafimaadka,ahna wasiiru dowlaha Caafimaadka Maryan Maxamuud Xuseen iyo Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka BanaadirC/Laahi Aadan muuse.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay la taliyaha wasiirka caafimaadka masar maxamed jaad iyo Safiirka Masar ee Sooaaliya Kiriin Hishaam,kuwaas oo xaqiijiyay in ay sii wadayaan garab joogga shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Cisbitaalka Martiini C/risaaq Yuusuf Axmed oo isna ka hadlay xafladdi casho sharafta ayaa sheegay in dhaqaatiirtii ka socday Dalka Masar ay howlo caafimaad oo lacag la/aan ah u sameeyeen bukaanno gaaraya kun iyo shan boqol,kuwaas oo uu tilmaamay in loo qabtay adeegyo isugu jiray daaweyn iyo qalliimmo.