Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxyooyada kula kulmay qaar kamid ah dhallinyarada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ee caasimadda kulan gaar ah kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dhallinyaradaasi la wadaagay xaaladda dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed iyo aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhallinyaradaasi ugu dambeyn uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin.