R/wasaare Xamsa oo kulan muhiim ah la qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.

R/wasaaraha oo ku sugan madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay,waxaa kulanka uu la qaatay Wasiiro Dowlaha Dalka Imaaraadka carabtta ay uga wada hadleen adkeynta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Labada dhinac waxa ay istuseen ahmiyadda horumarka labada dal , nabad ku soo dabbaalidda gobolka iyo sida Soomaaliya gacan looga siin karo dhameystirka adeegyada dowladda iyo kuwa bulshada.