Saraakiil loo soo xiray tababar ku saabsan Isgaarsiinta

Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka iyo Booliiska ayaa maanta loo soo xiray tababar soconayay muddo 45 cisho ah kaasi oo ay ku baranayeen Isgaarsiinta Casriga ah iyo Teknoolojiyadda.

Tababarka ayaa waxaa soo xiray Madaxa Hoggaanka Isgaarsiinta Ciidinka Booliiska Jeneraal Salaad Maxamed Guuleed iyo Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaanshaanle Sare Cabdulaahi Xuseen Dhuxuloow.

Mudadii tababarka uu socday ayay Saraakiisha iyo Askarta XDS iyo Booliiska la howlgelyeen xafiiska tageerada Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay (UNSOS) iyagoo la shaqeeynayay shaqaalaha UNSOS gaar ahaan qeybta Teknoolojiyadda si ay usoo bandhigaan heerka aqoontooda ee dhanka Isgaarsiinta.

Tababarkan oo uu taageerayay Xafiiska taageerada Soomaaliya Qaramadda Midoobay ee UNSOS ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxa Teknoolojiyadda UNSOS FTS Pual.