Wasiirka Cadaaladda oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay ajandayaal ay ka mid yihiin arrimaha cadaaladda dalka iyo sareynta sharciga.

Mudane Xasan Macallim ayaa midawga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.