Wasiirka Diinta oo kormeeray guddiga adeegga Xajka

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta kormeeray guddiga adeegga Xajka 1446 HJ ee 2025, isagoo ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan howlihii loo igmaday.

Wasiir Mukhtaar Roobow Cali ayaa xubnaha guddigga kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran u adeegista xujeyda Soomaaliyeed, ee diyaarinta qorshaha mowsimka Xajka ee sanadka 1446 HJ kuna beegan 2025