Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qayb galay Bandhigga Difaaca “ADEX” oo lagu qabtay dalka Azerbaijan

Baku:– Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku sugan dalka Azerbaijan, ayaa ka qayb galay sanad guuradii 5-aad ee Bandhigga Difaaca “ADEX”, oo ka dhacay magaalada Baku, Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray horumarka tiknolojiyada difaaca ee dalalka caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay inuu fursad u helay inuu indha indheeyo tiknolojiyadda cusub ee dhinaca difaaca, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in ciidanka xoogga dalka lagu qalabeeyo agabka difaaca ee ugu casriyeesan.

“Waxaan fursad u heley inaan arko horumarka Tiknolojiyada difaaca ee dunidu gaartey, waxaa naga go’an inaan ku qalabeyno ciidamadeena agabka ugu sareeya ee difaac,” ayuu yiri Wasiirka.