Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay dhigiisa dalka Azerbaijan

Baku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Jenaraal Zakir Hasanov.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga arrimaha Difaaca iyo la-dagaalanka Kooxaha Khawaarijta.