Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta XFS oo gaaray Jowhar

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasiir Beene-beene ayaa la filayaa inuu kormeero diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029) ee ka socda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Hirshabeelle ayaa waxaa in dhowaalaba ka soconayay mashaariic kala duwan oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle.