Wasiir Fiqi oo New York kula kulmay xoghayaha guud ee INTERPOL

New York: Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa la kulmay xoghayaha Guud ee INTERPOL, Jürgen Stock, si loo xoojiyo doorka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah iyo argagixisada. Soomaaliya, oo ah difaac koowaad, ayaa door muhiim ah ka ciyaarta ka hortagga in khatarahan ay ku fidaan gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiir Fiqi wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loola shaqeeyo INTERPOL si loo xoojiyo awoodda booliska Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, dembiyada internetka, iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee hubka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maaraynta hubka, taasoo sababtay in laga qaado cunaqabatayntii hubka ee mudada dheer jirtay, taas oo guul weyn u ah sugidda amniga adduunka oo idil.

Xoghayaha Guud ee INTERPOL, Jürgen Stock, ayaa bogaadiyay horumarka ay Booliska Soomaaliyeed ka gaareen la dagaallanka dambiyada abaabulan, wuxuuna ballan qaaday inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan booliska, si kor loogu qaado awooddooda dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah. Wasiir Fiqi waxa kale oo uu soo bandhigay mudnaanta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee sanadaha soo socda, isagoo diiradda saaray iskaashiga dhinaca amniga.