Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay degmada Awdheegle

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa maanta gaadiid sida shixnado gargaar ah waxa ay u dirtay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo uu dhawaan fatahaad ka geystay wabiga Shabeelle.

Gaadiidkan ayaa wada gargaar loogu talagalay ilaa 5,000 oo qoys kuwaas sameen ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabeelle ka sameeyay degmada Awdheegle  tuulooyinka iyo degaannada ku xeeran.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo ku sugnaa goobta laga diray gaadiidkan ayaa hay’dda SoDMA ugu mahad celiyay sida ay gurmadka ugu fidisay dadka ku tabaalaysan deegaannada uu matalo.