Wasiir Fiqi oo New York kula kulmay dhiggiisa Dalalka Masar iyo Eritrea

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh.

Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Saddexda Wasiir ayaa ka wada hadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan dowladaha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.