Ra’iisul Wasaare Xamsa oo New York kula kulmay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay

New York- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo New York kaga qaybgalaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale halkaasi kulan doceedyo kula qaatay madax badan.