Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay safiirka Midowga Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Karin Johansson, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dhinac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta caalaaqaadka labada dhinac, arrimaha nabadgalyada, horumarinta dhaqaalaha iyo xiisadaha gobolka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya Midowga Yurub ee arrimaha nabadda iyo xasilloonida.