Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay wasiirka saadka iyo ganacsiga gudaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta booqasho ugu tagay wasiirka Saadka iyo Ganacsiga gudaha mudane Shariif Faaruuq.

Wasiirka & Safiirka ayaa ka wada Hadley hormarinta iskaashiga xaqiijinta Amniga cuntada , isdhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha kala duwan.

Danjire Awaare ayaa ugu mahad celiayay Masar garab istaagga joogtada ee Soomaaliya dhinac kasta.