Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Dhuusamarreeb.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha iyo Waddooyinka.