Wasiirka Difaaca” Soomaaliya way ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay.

“Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay, Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.