Wasiirka Deegaanka iyo isbeddalka cimilada XFS oo New York kaga qeyb gashay shir muhiim ah

New York- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS Marwo Khadiijo Maxamed Al Makhzoumi ayaa ka qeyb gashay furitaanka shirka mustaqbalka oo ka socda xarunta UN ee magaalada New York dalka Mareykanka.

Shirkaan ayaa qayb ka ah shirwaynaha Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa isku keenaya madaxda caalamka si loo gaaro is afgarad ku aaddan wax ka qabashada caqabadaha caalamiga ah iyo ilaalinta mustaqbalka.