Madaxweyne Xasan “Ka ganacsiga hubka waa mamnuuc dowladdana go’aan adag ayaa uga yaal”

Madaxweynha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ka ganacsiga hubka uu yahay mamnuuc dowladdana go’aan adag uu uga yaal, wuxuuna ka digay inaan lagu kadsoomin arrintaas.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dadka arrintan ku lugta leh in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda, isaga oo xusay in hay’adaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ka hortimaadda go’aankan.

Madaweynaha ayaa ka digay in hubka guryaha lagu keydiyo kaas oo loo adeegsado ujeeddooyin gurracan, wuxuuna ku cel-celiayay in aan looga xishoon doonin mansabkooda.

“Waxaan ahay siyaasi, sarkaal ama madax baan ahay ma jirto, qof dadka wax lagu laynaya inuu fududeeyo rabaayi sharafna ma lahan, xasaanadna ma lahan waana lasoo qabanayaa”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale faray ciidamada ammaanka in ay gacan bir ah ku qabtaan dadka magaalada ka hurinaya colaadaha ka socdo dhulka miyiga ee gudaha Caasimadda ka taakuleeya malleeshiya beeleedyada.