Wasiirka Maaliyadda XFS oo guddoomiyay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha dalka

İstanbul- Waxa maanta shir muhiim ah uu uga furmay magaalada İstanbul ee dalka Turkiga, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hoggaan u ah hey’adaha kale ee Dowladda ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ee wadashaqeynta maaliyadeed la leh Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo uu si rasmi u furay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxaa diiradda loogu saarayaa dib-u-eegista wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo casriyeynta ilaha dhaqaalaha Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay qaadayaan tilaabo Dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya uu mudnaan gaar ah siinaya sare u qaadidda dakhliga Dowladda oo horseed u noqon kara isku filnaan dhaqaale.

IMF iyo Bangiga Adduunka oo ah laba hey’ad oo si dhaw ula shaqeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan hey’adaha kale ee Dowladda Soomaaliya ayaa warbixinno ka dhageysanaya qeybaha kala duwan ee shirka ka soo qeybgalay, sidoo kale quburada ka socota IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa dhankooda soo bandhigaya fikirada horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo haatan sameynaya sare u kac balaaran.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Batroolka, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.