Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Dugsiga Turkish Maarif

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Dugsiga Turkish Maarif (Ex- School-kii hore ee Farsamada Gacanta) ee degmada Waabari, kaasi oo ay wax ku bartaan in ku dhow 900 oo arday ah.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray qeybaha uu ka booban yahay dugsiga gaar ahaan Fasallada ay ardayda wax ku bartaan, qeybta Sheybaarka, Maktabadda Buugaagta iyo qeybta Cuntada, iyada oo hey’adda Turkish Maarif ay quudin u sameyso si maalinle ah 3,495 qafood oo isugu jirta Arday, Agoon iyo qaar kamid ah qoysaska Barakacayaasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maamulka hey’adda Turkish Maarif kula dardaarmay in ay joogteeyaan fursadaha waxbarasho ee loo sameynayo caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar isagoo sidoo kale uga mahadceliyay doorkooda safamalka ah oo ay ka wadaan caasimadda.