Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka fuliyey deegaano hoos taga Xuddur

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed guutada 9-aad qeybta  60-aad ee gobolka bakool oo saaka howlgal ka fuliyey deegaanka Qeydar-Cadde oo 30km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xudur.

Saraakiisha horkacaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in howlgalka u dhacay sidii loo qorsheeyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirana la gaarsiiyey Khawaarijta oo deegaanka Qeydar-Cadde fariisin iyo xero tababarna uga furneyd.

Dagaal waqti kooban socday kadib ayaa lagala wareegay Saldhigii ay ku lahaayeen khawaarijtu deegaanka, iyadoo sidoo kale laga furtay agabkii u yaalay xerada kaas oo ahaa Saannad Ciidan oo kala duwan.