Dowladda Turkiye oo shaaca ka qaadday in qaab cusub lagu wajihi doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiye Hakam Fidan oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu qaab cusub ku abbaari doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo markii Saddexaad lagu ballansan yahay Ankara.

Wasiir Fidan ayaa muujiyey in uu rajo weyn ka qabo in heshiis rasmi ah ay labada dal gaaraan, kaas oo meesha ka saaraya damaca Itoobiya.

Dowladdda Federaalka ee Soomaaaliya ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaadday in heshiiiskii Itooobiya lagashay Soomaaliland uu ahaa mid sharci darro ah oo ku xadgudbaya midnimada iyo madax-banaanida Dalka.