Xildhibaanno ka socday golaha shacabka oo koonfur Afrika kaga qeybgalay shirka Baarlamaanada Afrika

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) ayaa Magaaladda Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay kulanka 12-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika (Pan-African Parliament)

Shirkan oo labadii sano mar la qabto ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Ajendayaasha muhiimka u ah qaaradda Afrika ,gaar ahaan Ajendaha horumarinta Nabadda, waxbarashada iyo dhaqaalaha ee sanadka 2063.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo wakiil ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayey xaaladda guud ee dalka, waxa uuna madaxda shirkaasi ka qeybgashay uga warbixiyay horumarada Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Amniga,waxbarshada iyo Dhaqaalaha.

Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika ee shirka ka qeyb galay ayaa inta kulankooda uu socday waxa ay kaga hadleen horumarinta Nabadda, waxbarashada iyo dhaqaalaha.