Madaxweynaha Mareykanka oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab) oo ah Safiirka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday Washington.

Kulanka qaabilaadda oo ka dhacay xarunta Aqalka Cad,waxaa dhinacyadaasi ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto horumarka dadka iyo dalka.

Danjire Daahir Carab ayaa Madaxweyne Joe Biden gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.