Laamaha amaanka oo soo bandhigay hub sharci darro ah iyo raggii ka ganacsanayay

Hay’adaha ammaanka ayaa Xarunta Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ku soo bandhigay hub sharci daro ah iyo raggii ku iibinayey magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo qabtay howlgal ciidamada amaanka ay ka fuliyeen qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi Cumar Muumin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalo socday maalmihii la soo dhaafay lagu soo qabtay hub sharci daro ah iyo afar ruux oo qaar ka mid degmooyinka Gobolka Banaadir ku iibinayey.

“Lama aqbali karo in hub aan sharci ahayn lagu iibiyo degmooyinka Gobolka Banaadir, waan soo qaban doonaa kuwa wali ka ganacsanaya ee hubka Guryaha ku haysta.”ayuu yiri Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ka hor munaasabadda soo Bandhigida hubka Wasiirka amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shir guddoomiyey shirka amniga Caasimadda oo ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyasadda Gobolka Banaadir iyo saraakiisha hay’adaha Amaanka.