Wasiir Xoosh oo bogaadiyay doorka haweenka ee taageeridda Ciidamada Qaranka iyo Nabadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa ka qeyb galay barnaamijka Hooyo u Hiili Qaranka, oo diiradda saaraya doorka haweenka iyo dhalinyarada ee ka hortagga dagaallada sokeeye, isagoo bogaadiyay kaalinta haweenka ee garab istaagga ciidanka iyo taageeridda jiritaanka dowladda.

Isagoo ka hadlaya munaasabadda, Wasiir Xoosh ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay cadow gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo leh ujeedooyin kala duwan. Wuxuuna tilmaamay in barnaamijka Hooyo u Hiili Qaranka uu waqtigiisi ku soo aaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wajiga koowaad ee dagaalka Khawaarijta dhul badan laga xoreeyay, lana gaarsiiyay deegaanadaasi adeegyada aasaasiga ah sida, amniga iyo waxbarashada. Wuxuu intaas ku daray in wajiga labaad ee dagaalka uu dhawaan bilaaban doono.

Wasiir Xoosh ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay isaga filantahay iska caabbinta cadawga, isla markaana ay ka soo kabaneyso dhaawacyadii dagaallada sokeeye. Wuxuuna ugu dambeyntii ku boorriyay odayaasha dhaqanka in ay ka shaqeeyaan nabadda dalka, isla markaana ay door ka qaataan dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.