Maamulka gobolka Banaadir oo daah-furay barnaamijka nidaaminta dhulka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Nidaaminta Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar iyadoo la adeegsanaayo Teknolojiyadda Casriga ah, si loogu gudbo dhibaatooyinka lagala kulmo Dokumentiyada warqadaha ah ee dhaliya is-qab qabsiga dhulalka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Nidaamkaan lagu casriyeenayo Dhulka ee adeegsiga Teknolojiyadda uu door ka qaadan doonno yareynta is qab-qabsiga ka dhasha dhinacyada dhulalka iyo in guryaha ku yaala caasimadda ay helaan adrees lagu garto, taasi oo fududeyneysa la macaamilka dunnida horumartay.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Dastuurka XFS, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga, bahda Garsoorka, Midowga Bangiyadda, Culuma’udiin, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.