Wey sahlan tahay sida guul lagu helo, laakiin waxaa adag sida lagu haysto qofku markii uu guuleysto ee uu farxad iyo marqaan uu is garan waayo, meesha uu joogoona garan waayo wuxuu ku tuntaa ummadda kale ee uu xukumo ama mas,uulka ka yahay, hadeey taasi dhacdana sida caadada ah waxaa meesha ka baxaya hammigii loo hayey iyo wanaaggii laga sugayey oo dhan maadaama ay jireen qododbbo lagu soo doortay uuna ballan qaaday, markii uu xilka doonayey.
Midka noocaan ah wuxuu iloobaa saxiibadii shalay wuxuuna ka leexdaa dhammaan wixii ay isku ogaayeen wuxuuna dariiqa uga taga dhammaan kuwii wax laweday oo dhan iyo dadka wanaagga la jecelaa oo talooyin usoo jeedin jiray wuxuuna ka baxaa wixii ballamo lala galay iyo wixii lagala heshiiyey.
Haddaba, guuleystaha wanaagsani maahan sidaas ee wuu ka duwan yahay waxaana lagu arkaa weji furan, caddaalad iyo danta gud oo dhan oo uu hagaajiyo waxuuna tageera dadka si garbo siman ah wuxuuna fuliyaa wax alla wixii lagula ballamay wuxuuna u hiiliyaa dadyoowga dulman iyo kuwa taagta yar wuxuuna helaa sharaf iyo magac uusan horay u laheyn.
Haddaba, mudane guusha iyo guuldarrada labaduba deris ayey kula yihiin waxaase aad iyo aad u wanaagsan inaad iska ilaaliso wax kuu keeni kara guuldarro usameey shacabka una horsed waddo caafimaad qabta oo aan dhib iyo hagardaamo laheyn, geeddi kasta oo aad meel u guura ama gaadiidka u rarto jid ayaa kaa horeeya wuxuuna u baahan yahay sahan run sheeg ah qaabkii
aad waddadaa u mari laheyd siyasaddu waa mid cadow badan leh waxayna u bahan tahay fiiro aqoon iyo dulqaad aad u badan, waxaa dhici karta adigoo shalay lagugu doortay cod aad u badan oo buuxa in marka dambe ay kula soo deristo taageera la,aan siyasadeed oo aad adigu sabab u noqotay waana guuldarrada aad gacantaada ku sameysato
haddaba ogaada qof walboo doonayo in u uku biro siyaasadda ama wax kaleba sida ganacsiga tartamada kala duwan ee aad dooneyso in aad ku soo baxdo waa inaad marka hore ogaataa in guusha iyo guuldarradu ay ku horyallaan waxaana lagaga digayaa inaadan qaadan guuldarrada oo aad kasbataa taageero kugu garab siisa guushaada, mar walbana dadka aad wax ka dooneyso waa in ay kuu arkaan inaad tahay qof muqlis ah oo u qalma doonistiisa
Haddaba, Saaxibbayaal waxay soomaaliydu ku maahmaahdaa beentaada hore runtaada dambe ayey u baasbaxdaa, mar walba ogaada taariikhdu waa keyd.
Mar walba isku day inaad yeelato taariikh fiican oo qaali ah haddii aad noqoto qof dhaqan wanaagsan cid waliba wey ku taageereysaa guuldarro ha isku tacbanina iyo taariikh xumo ee noqda kuwo bulshada oo dhan ay jeceshahay waxayna ku xiran tahay sida aad ula dhaqanto bulshada aad ka soo jeddo iyo kawa kaleba
haddii aad wanaag fasho oo aadan wax dhibaato ah ummadda aadan u geysan oo noqoto mid ammaanada gudan kara oo ka soo baxay wixii loo idmaday guushu gacantaada ayey soo gashaa guuladarrana is arkimeysaan, laakiin haddii aad ahayd qof laab laab badan haysku ceybeynina in aad guul ka heshaan bulshda soomaaliyeed mar walbana ogaada guushu iskama timaado ee waa la kasbadaa
WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre