Guddoomiye Yabooh oo xarigga ka jaray waddo interlock la saaray

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta Xarig-jaray waddo Interlock oo laga hirgeliyay inta u dhaxeysa Waddada 30-ka illaa Waddada Wadnaha (Suuqa Xararyaale) ee degmada Warta Nabadda.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey ayaa sheegtay in Maamulka degmada oo kaashanaya bulshadiisa ay u suura-gashay in ay hirgeliyaan waddadaan, iyadoona xustay in ay sii wadi doonaan isku tashiga bulsho ee lagu horumarinaayo kaabayaasha isku socodka degmada Warta Nabadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ku ammaanay Maamulka iyo Shacabka degmada Warta Nabadda sida ay ugu qeyb qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska magaalada, taasi oo qeyb ka ah buu yiri Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.